• Miyirbeel
    Miyirbeel

    Goor ay cadceeddu liiq tahay oo garabkeeda sidii hoos loo cadaadiyay ay madaxa qarsatay ayaan soo dhaqaaqay. Halkii aad igu ogayd iyo aqalkaygii oo aan muddo ka soo bixin baan debadda uga soo baxay goortaas. Dhulku sidii laga hayaamay ayuu ila muuqday, shanqar iyo dhaqdhaqaaq kale toona ma maqlayn.  Meel iga durugsan ayaa carruur yaryar…

  • Abu Xaamid Al-Qasaali iyo Raadkii uu ku Yeeshay Fikirka Cusmaaniga
    Abu Xaamid Al-Qasaali iyo Raadkii uu ku Yeeshay Fikirka Cusmaaniga

    Taariikhda fikirka Cusmaaniga ahi waxa ay ku saamoowday culimo badan oo uu kuwooda ugu cadcad ka mid ahaa Imaam Abuu Xaamid al-Qasaali. Iyada oo ay bay’adda cilmiga iyo fikirka Cusmaaniyiintu ahayd goob ama masrax ay ku faafto afkaartiisu ilaa iyo qarnigii 15-aad. Ballaca muhiimaddii ay siiyeen Cusmaaniyiintu al-Qasaali iyo allifaaddiisu waxa ay ka muuqataa xaddiga…

  • Cali-deeqsi

    Aroortii, kolka joodariga uu ku seexdo uu karaahiyaysto ayuu jarmaadaa. Joodariga keliya ma karaahiyaysto ee waxaa kale oo hurdada subaxda ka toosisa qorraxda fallaadhaha qumman kasoo dusinaysa daloollada albaabka birta ka sameysan ee qolka yar ee liita ee uu degganyahay; u ekaysiinaysa dharaar cad. Marka uu biyo cad foolka ku dhaqo ayaa uu islaan gurigiisa…